Maxkamadda sare ee dalka ayaa xukun xabsi oo 30 sano ah ku ridday nin lagu helay inuu dilay xaaskiisi hore.
Garsoore Diana Mochache ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo ku aaddan in ninkan uu dilka gaystay sanadkii 2018-kii.
Waxaa ku marqaati kacay dad ay ka mid yihiin 5 goobjoogayaal ah oo maxkamadda u sheegay in haweeneyda la dilay la toorriyeeyay.
Amos Wanjala Mutelwa ayaa ka dib markii uu falkaasi gaystay goobta ka baxsaday balse waxaa gacanta ku soo dhigay shacabka.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqday in Amos uunan xita hal mar ah muujin inuu ka qoomameynaya dhibaatadii uu gaystay .
Waxay intaasi ku dartay inuu si joogto ah u beeninayay inuu dilay xaaskiisi hore oo uu ku andacoonayay in iyada ay is dishay.