DHAGEYSO:Banaanbax lagu dalbanayo in la soo celiyo dhalinyaro Eriteriya tababar loogu diray oo Muqdisho ka dhacay

0
478

Banaanbax lagu dalbanayo in la soo celiyo dhalinyaro Eriteriya tababar loogu diray oo Muqdisho ka dhacay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidiin sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruurtooda Tababar ugu qaaday dalka Ereteriya hayeeshee aysan in muddo ah wax war ah ka helin.
Waalidiintaan oo isugu tagay saaka Taalada Daljirka Dahsoon ayaa ka codsaday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble,Guddoomiyaha Baarlamaanka uu wakhtiga ka dhammaaday Maxamad Mursal Sh C/raxmaan,Saraakiisha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Dhamaan dowladda inay Carruurtooda dib ugu soo celiyaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Warbaahinta kasoo muuqday Waalidiin sheegay in carruurtooda looga qaaday dalka Ereteriya, intaasi kaddibna aysan wax war ah ka hayn Xaaladda ay ku sugan yihiin Carruurtii laga qaaday sida ay sheegeen.