Deegaanka Juja oo la filayo in Talaadada ay doorasho ku celis ah ka dhacdo

0
445

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegaya inuu si buuxda ugu diyaar garooway maareynta doorashada ku celiska ee deegaan baarlamaneedka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Codeynta ayuu qorshuhu yahay in ay dhacdo maalinka Talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka bishan May.
Waxaa ay sidoo kale doorasho ku celis ah ka dhici doontaa deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii.
Madaxa fulinta ee IEBC Marjan Xuseen Marjan ayaa sameeyay kormeer ku saabsan sida guddigu uu isugu diyaariyay doorashada.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee guddiga IEBC ayaa lagu sheegay in saraakiisha loo xilsaaray maareynta doorashada ay dhameysteen tababar labo cisho ah.
Saraakiishan ayaa sidoo kale la dhaariyay ka hor inta aan la gayn goobaha codbixinta ee ay ka howlgeli doonaan.
Ololaha siyaasadeed ee la xiriira doorashada ku celiska ee Juja ayaa soo idlaaday shalay maadaama sharciga dalka uu dhigaya in aan wax olole siyaasadeed ah la qaban karin 48 saacadood ka hor codeynta.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay inuu ku baraarugsan yahay halista cudurka COVID-19 sidaas awgeedna la dhaqangelinayo tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda cudurka.
Goobaha codbixinta ayaa la geynayaa agabka lagu baaro heer-kulka jirka qofka, gacmo nadiifiye waxaana jiraya meelo codbixiyayaasha iyo saraakiisha IEBC ay gacmaha ku dhaqan karaan.
Waxaa amarrada qayb ka ah in qofka doonaya inuu codkiisa dhiibto fursad la siinaya keliya hadii uu sito afduubka.