Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki ayaa maxkamadda ku wargeliyay qorsho ku aaddan racfaan ay dowladda dhexe doonayso in ay ka qaadato go’aan dhawaan soo baxay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uusan ku qancin go’aanka maxkamadda.
Mr. Kihara ayaa sheegay in racfaanka ay dowladdu qaadanayso uu yahay mid ku saleysan danta shacabka.
Waxaa uu xusay in aynan suurtagal ahayn in maxkamadda ay laasho qorsho laga ansaxiyay in badan oo ka mid ah ismaamullada dalka , baarlamaanka , aqalka sare sidoo kalena ugu yaraan 3 milyan oo Kenyaan ah ay saxiixyadooda ku taageereen.
Waxay tani ku soo aadaysa iyada oo qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Kajiado ay Mr. Kihara ka dalbadeen inuu is casilo maadaama uusan ku guulaysan inuu madaxweynaha siiyo talada habboon ee dhanka sharciga.
13-kii bishan ayay ahayd markii guddi ka kooban 5 garsoorayaal ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka uu waxba kama jiraan ka soo qaaday geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Xaakinada ayaa sheegay in nidaamkan uu yahay mid sharci darro ah maadaama lagu soo dhisay qaab aan dastuuri ahayn.
Garsoorayaasha ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku eedeyay inuu ka tallaabsaday xeerarka wadanka u degsan xilligii isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay billaabayeen hindisahan.
Guddiga IEBC ayaa sidoo kale lagu dhaliilay go’aamadii uu qaatay oo ay ka mid tahay xaqiijinta saxiixyadii laga soo uruuriyay shacabka ee lagu taageerayay BBI maadaama ay weli jiraan jagooyin sare oo ka bannaan guddiga.
Garsoorayaasha ayaa guddiga IEBC ka hor istaagay inuu qabto afti wax looga beddelaya dastuurka dalka iyada oo aan shacabka si buuxda looga qaybgelin.
Maxkamadda waxay sidoo kale burisay guddiga loo xilsaaray dardargelinta hannaanka BBI halka daaqadda laga tuuray soo jeedintii ahayd in la soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.