DHAGEYSO:Maamulka degmada hobyo oo walaac ka muujiyay dabaylo ku dhuftay

0
462

Maamulka Degmo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa Walaac ka Muujiyay Dabaylo xooggan oo ku dhuftay Xeebaha Degmadaasi kuwaasoo maamulku sheegay inay Saamayn dhaqaale iyo mid nololeedba ka dhalan karto.
Guddoomiye ku Xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Maxamad Caawle oo warbaahinta la hadlay ayaa walaac Xooggan ka Muujiyay Dabaylaha Maalmihii la soo dhaafay ku dhuftay Xeebaha magaalada Hobyo kuwaasoo uu sheegay inay Kaluumaysatada deegaanka Saamayn Weyn ku yeesheen.
Guddoomiye ku Xigeenka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in horay deegaanada Magaaladaan hoos taga uu Saamayn ugu reebay Ayaxa aysana Jirin dowlad ama Hay’ad wax ka qabtay sidaas darteedna ay Samayn kale dabayluhu reebi karaan.
Wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug inay waxka qabtaan Xaaladda ka jirta Magaalada Hobyo iyo deegaanada kale ee Hoos yimaada isagoona u mahadceliyay shacabka gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dekedda Macmalka ah ee Magaalada Hobyo ka soo dajista Badeecadahooda kala duwan.