Kindiki oo sababta aan loo dhameystirin guddiga IEBC u aaneeyay kiisas maxkamadda la geeyay

0
289

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sababta aan loo dhameystirin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) u aaneeyay kiisas maxkamadda la geeyay.
Waxaa uu sheegay in ay jirto xannibaad maxkamadeed oo lagu hor istaagay magacaabidda guddiga shaqaaleysiinaya mas’uuliyiinta sare ee IEBC.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu aynan waxba qaban karin inta ay jirto xannibaadda maxkamadda.
Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa dhankiisa sheegay in kenyaanka laga doonaya in ay eedda saaraan madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahnayn in dib u dhaca ku yimid magacaabidda saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC lagu dhaliilo madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Cherargei ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxweynaha ay doorkooda ka soo baxeen oo ay ansixiyeen xeerarka lagama maarmaanka u ah arirntan.
Waxaa uu tilmaamay in golaha qaran ee xeer dejinta uu sanadkii hore meel mariyay isbeddelka lagu sameeyay xeerarka IEBC-da oo uu durbaba saxiixay madaxweynaha si loo soo magacaabo guddiga ka shaqeynaya sidii ay mas’uuliyiinta sare ee IEBC u howlgeli lahaayeen.
Senatarka ayaa sheegay in la doonaya in waaxda garsoorka ay dardargeliso kiisaska maxkamadaha horyaalla si loogu gudbo tallaabada xigta.