Wasaaradda maaliyadda oo lagu amray in ay ismaamullada ku wareejiso lacagaha uga maqan dowladda dhexe

0
74

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ku amray in ay ismaamullada ku wareejiso lacagaha loo qoondeeyay ee aynan weli bixin dowladda sare.
Kindiki ayaa amarkan bixiyay xilli uu guddoominayay kulanka golaha isku xirka labada heer ee dowladda ee dhanka miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee (IBEC).
Shirka ayaa ka qabsoomay hooyga rasmiga ee madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen ismaamulka Nairobi.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi , ku xigeenkiisa ahna guddoomiyaha dowlad deegaanka Nyeri Mutahi Kahiga , guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee barasaabyada Fernandes Barasa , dhigiisa Nandi ahna madaxa abaabulka ee golaha CoG Stephen Sang , guddoomiyaha guddiga sharciga ee CoG Ochilo Ayacko iyo madaxa fulinta ee golahan Mary Mwiti .
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay wasiirka maaliyadda ee dalka John Mbadi , xeer ilaaliyaha guud Dorcas Oduor , xoghayaha waaxda dowlad wadaajinta Teresia Mbaika , maareeyaha miisaaniyadda dowladda Dr. Margaret Nyakang’o iyo saraakiil sare oo kale.
Waxaa uu Kindiki xal u raadinayay xiisad la xiriirta miisaaniyadda taasi oo muddo soo jirtay oo ka dhexeysay golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) iyo maareeyaha miisaaniyadda dowladda(CoB).
Prof. Kindiki ayaa wasaaradda uu hoggaamiyo John Mbadi ku amray in ay si degdeg ah dowlad deegaannada ugu wareejiso lacagihii bishii hore waxaana la filaya in tani ay fududeyso walaaca dhanka dhaqaalaha ee caqabadda ku noqday bixinta adeegyada shacabka iyo fulinta mashaariicda horumarineed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in hoggaanka ismaamullada iyo xafiisyada madaxa bannaan laga doonaya in ay sare u qaadaan wada tashiyada iyo iskaashiga ka dhexeeya.