Wasiirkii hore ee gashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo taxaabay

0
333

Dacwad oogayaasha dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta xabsiga u taxaabay wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee waddankaasi Kim Yong-hyun.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ku taliyay amarkii uu madaxweynaha dalkaasi Yoon Suk Yeol maalmo ka hor ku dhawaaqay kaasi oo militariga siinaya awood buuxda.
Kim ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay oo falkan loo soo xiray waxayna tani ku soo beegmaysa maalin un ka dib markii madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed uu ka badbaaday mooshinkii xil-ka qaadista ee ay mucaaradka horgeeyeen baarlamaanka.
Ka dib baaritaan ay saameeyeen dacwad oogayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa wasiirkii hore ee difaaca ee dalkaasi la geeyay xabsiga magaalada Seoul .
Warbaahinta maxalliga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warramaysa in Kim laga qaaday taleefoonkiisa gacanta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isaga uu markii hore si iskiis ah uu u tagay xarunta dambi baarista waxaana dhanka kale socdo baaritaanno ay ciidamada booliiska ka sameynayaan xafiiskiisi hore iyo hooygiisa.