Waxaa isa soo tareysa falcelinta madaxda iyo dowladaha caalamka ee ku aaddan in kooxaha mucaaradka ee Syria ay la wareegeen caasimadda dalkaasi ee Dimishiq iyadoo madaxweyne Bashar Al-Assad uu waddankaasi isaga cararay.
Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Syria Geir Pedersen ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal siyaasadeed loo helo xaaladda taagan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhow ula socoto waxyaabaha ka soo kordhaya Syria oo ay rajeynaysa in dalkaasi lagu soo dabbaalo xasillooni degdeg ah.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda Shiinaha ay la xiriirtay oo ay caawisay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Syria.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Amichai Chikli, ayaa sheegay in aan loo dabbaal degi karin tallaabooyinka ay qaadeen dagaalyahaannada mucaaradka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa barta X soo dhigay qoraal uu ku sheegaya inuu aad uga walacsan yahay xaaladda Syria oo uu ku baaqay shir degdeg ah.
La taliyaha dhanka dibloomaasiyadda ee madaxweynaha ImaaraaDka Anwar Gargash ayaa dhankiisa xusay in aan loo baahnayn in dad aan dowladda ka tirsanayn fursad loo siiyo in ay ka faa’iidaystaan gaabadka siyaasadeed ee jira.
Bayaan ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee White House ayaa lagu sheegay in madaxweyne Joe Biden iyo xulafadiisa ay si dhow isha ugu hayaan xaaladaha aan caadiga ahayn ee ka jira Syria oo ayna si joogto ah ula xiriirayaan saaxiibbada gobolka.
Donald Trump ayaa isna sheegay in madaxweynihii Syria Bashar Al-Assad uu waddanka iskaga cararay ka dib markii uu lumiyay garabkii Ruushka.
Waaxda arrimaha dibadda ee dalka Filibiin ayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Syria ugu baaqday in ay is xakameeyaan oo laga fogaado shaqaaqo dheeraad ah si shacabka loo badbaadiyo.