Iiraan oo sheegtay in kooxaha hubeysan ay maanta gudaha u galeen safaaradeeda oo ku taalla Dimishiq

0
356

Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay maanta gudaha u galeen safaaradda dalkaasi oo ku taalla caasimadda Syria ee Dimishiq.
Muuqallada baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya qolalka safaaradda Iiraan ee Dimishiq oo burbur loo gaystay iyadoo la jeexjeexay sawirrada hoggamiyaashii la dilay oo ay ka mid ahaayeen Qassem Soleimani iyo Xasan Nasrallah.
Dhanka kale, dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ay xirtay xuduudda ay la leedahay dalka Syria .
Wakaaladda wararka ee Ciraaq aya qortay in isgoyska Al Qaim oo ku yaalla xuduudda Ciraaq iyo Syria la xiray
Ciidamada ilaalinta xuduudaha ee Ciraaq ayaa sheegay in aysan u baahneyn ciidamo dheeraad ah oo ay isku filan yihiin.