Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socdo dalka Syria lagu dilay mise lagu dhaawacay boqolaal qof.
In ka badan 370,000 oo qof ayaa guriyahooda ka barakacay.
Xafiiska isku duwidda arrimaha baniaadannimada ee qaramada midoobay ee (OCHA) ayaa ka digay in colaadda Waqooyiga Syria ay khatar ku yihiin dadka shacabka sidoo kalena burburinta kaabayaasha ay halis gelinaysa bixinta gargaarka.
OCHA ayaa intaasi ku dartay 100,000 oo barakacayaasha ka mid ah oo u badan carruur iyo haween la barakiciyay in ka badan hal mar.