DHAGEYSO:Gachagua oo ku baaqay in la dadajiyo dhisidda guddiga IEBC

0
270

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in la dadajiyo geeddisocodka soo dhisidda guddiga madax bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC).
Waxaa uu ka digay in dib u dhaca uu wax u dhimayo kalsoonida lagu qabi karo doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Gachagua ayaa dowladda ku dhaliilay inay ku guuldareysatay in mudnaanta ay siiso dhisidda guddiga IEBC.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in guddiga IEBC ay waajib tahay inuu jiro saddex sano ka hor doorashada.
Hadalkan ayuu maanta jeediyay xilli uu munaasabad kaniisad ah uga qayb galay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in diiradda la saaro danta qaranka.

Waxaa ilaa iyo hadda la beddelin saraakiishii sare ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday ee uu hoggaaminayay Wafula Chebukati.