Taliyaha guud ee booliiska oo u yeeray saraakiisha fasaxa ku jira

0
359

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa saraakiisha ammaanka ee fasaxa ku jira ku wargeliyay inay shaqooyinkooda dib ugu soo laabtaan.
Go’aankan ayuu u aaneeyay in ciidamada aan looga maarmin sugidda amniga iyo sameynta roondooyinka xilli fasaxeedka Christmas.
Kanja ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in saraakiil badan oo booliis ah oo ay ku jiraan kuwa howlgallada gaar ah fuliya ay xoojin doonaan ammaanka guud ahaan waddanka, si loo hubiyo badqabka kenyaanka.
Si loo xaqiijiyo badqbaka dhanka waddooyinka iyo habsami u socodka gaadiidka, Kanja ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan booliiska la gaynaya waddooyinka waaweyn iyo kuwa magaalooyinka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa intaasi ku daray in saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay heegan geli doonaan si ay uga hortagaan musuqmaasuqa ka jira waddooyinka xilliga fasaxa ciidda Christmas.
Booliiska ayaa kenyaanka ah xasuusiyay in amniga iyo badqabka waddooyinka ay tahay mas’uuliyad wadareed.
Douglas Kanja ayaa dhanka kale gaadiidleyda kula taliyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka taraafikada si looga hortaggo shilalka oo xilligan oo kale sare u kaca.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in booliiska ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha sharci darrada ah sida maandooriyaha.
Kanja ayaa xasuusiyay milkiilayaasha baararka inay ilaaliyaan saacadaha shaqada.