2 kiis oo ah furuq-daanyeerka Mpox oo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga xaqiijiyay Mombasa

0
381

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la diiwaangeliyay labo kiis oo dheeraad ah ee la xiriira furuq-daanyeerka Mpox.
Kiisaskan cusub ayaa laga xaqiijiyay ismaamulka Mombasa.
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha Mpox ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay Kenya ka dhigaysa 26.
Waxaa kiisaskan laga diiwaangeliyay 12 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu waddanka ka kooban yahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hadda lala tacaalaya xaaladda caafimaad ee 7 bukaan iyadoo 16 kalena ay bogsadeen.
Waxaa sidoo kale la karantiilay labo qof, iyadoo hal ruux uu gudaha waddanka caabuqan ugu geeriyooday.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in 26-ka kiis ee Mpox laga kala xaqiijiyay 12 dowlad deegaanno oo ah Nakuru (7), Mombasa (6), Nairobi (2), Kajiado (2), Bungoma (2), Taita Taveta (1), Busia (1), Makueni (1), Kericho (1), Kilifi (1), Kiambu (1) iyo Uasin Gishu (1).
Waxay wasaaradda shacabka ku boorrisay in ay taxaddar muujiyaan oo ay raacaan talooyinka saraakiisha caafimaadka ee lagu hubinaya badqabkooda si aan caabuqa loo qaadsiin.