Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la dilay labo xubnood oo ka mid ahaa koox burcad oo dhibaatooyin u gaysanayay shacabka ismaamulka Kakamega iyo dowlad deegaannada kale ee dariska la ah.
Saraakiisha ayaa howlgalkaasi ku soo helay qori ah nooca AK47.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda la dilay ka dib markii dabagal lagu sameeyay xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla tuulada Matungu.
Bayaanka DCI waxaa ku cad in labada qof lagu amray in ay guriga ka soo baxaan oo ay ciidamada isku soo dhiibaan balse ay amarkaasi ka dhaga-fureysteen ka dibna falcelin la sameeyay looga takhalusay.