Xoghaye hore oo loo haysto inuu dhul kula wareegay si sharci darro ah

0
131

Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi la soo taagay xoghayihii hore ee wasaaradda amniga gudaha Dave Munya Mwangi.
Waxaa loo haystaa inuu si sharci darro ah ku qaatay dhul ku yaalla agagaarka waddada wayn ee Mombasa Road.
Falkaasi ayuu sameeyay isagoo adeegsanaya sabarloogo faalis ah.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in dembigan uu ku kacay isagoo garab ka helaya sarkaal ka tirsan wasaaradda dhulalka ee dalka.
Tallaabada lagu soo xiray Dave ayaa timid ka dib baaritaanno ay sameysay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo uu qof cabasho u gudbiyay.
Waxaa xoghayaha hore lala soo eedeyay Sammy Louis Karanja iyo Moses Ojuka oo labaduba baxsad ah oo la raadinaya.
Dave Munya Mwangi oo ah agaasimaha shirkadda Olbolsat Farm Limited ayaa dhulka uu sida khiyaannada ah ku helay shirkad laga leeyahay Shiinaha uga ijaaray 12 milyan oo shilin.
Hasa ahaate, kadib markii maxkamadda la soo taagay ayuu iska fogeeyay eedeymaha ka dhanka ah waxaana lagu siidaayay 5 milyan oo damaanad lacageed ah ama damaanad uu qiimaheedu yahay 20 milyan oo shilin.