Hay’adda Bisha Cas ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda caafimaadka lagu toogtay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Marinka Qaza.
Alaa al-Derawi, ayaa laga toogtay xawadka.
Hasa ahaate , hay’adda ayaan weli caddeyn cidda falkaasi gaysatay.
Bishii Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii Hay’adda Bisha Cas ee dalka Falastiin ee PRCS ay shaacisay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza looga dilay shaqaale dhan 34.
19 ka mid ah howlwadeennadan ayay hay’addu tilmaantay in si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli ay waajibaadkooda shaqo ku guda jireen.