Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ahna guddoomiyaha dowlad deegaanka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa dhaliil u jeediyay maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin uu soo saaray xafiiska ay haweeneydan hoggaamiso lagu sheegay in qaar ka mid ah barasaabyada aynan wax maalgelin ah ka sameyn dhanka horumarka.
Margaret ayaa hoosta ka xarriiqday in ay jiraan ismaamullo adeegsanaya in ka badan 300 oo ah akoonno bangiyeed si loo lunsado lacagaha dadweynaha.
Hasa ahaate guddoomiyaha golaha CoG ayaa warbixintaasi ku tilmaamay mid xiisad abuuraysa oo lagu marin habaabinaya dadweynaha.
Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in aynan horumar u adeegsan karin miisaaniyad aan weli lagu wareejin.
Waxaa uu sheegay in ay qalad ahayd in maareeyaha miisaaniyadda dowladda ay ismaamullada dhaliisho iyadoo og caqabadaha ay wajahayaan.
Margaret Nyakang’o ayaa dhawaan warbixinteeda ku sheegtay in ismaamulka Baringo ee uu hoggaamiyo Benjamin Cheboi uu leeyahay 292 oo akoonno bangiyadeed.
256 ka mid ah akoonnadan ayaa la sheegay in ay leeyihiin xarumaha caafimaadka.
Sidoo kale, dowlad deegaanka Bungoma ayaa adeegsanaya ilaa 300 oo akoonno bangiyadeed ah.
Hasa ahaate , tani ayay maareeyaha miisaniyadda dowladda ku tilmaantay mid baalmarsan xeerka lagu maamulo lacagaha dadweynaha ee PFM Act.