Waxaa ay saameyn ka dhalatay ismari waa’ u dhexeeya dhakhaatiirta iyo dowladda hoose ee ismaamulka Machakos.
Shalay ayay ahayd markii kulan ay yeesheen howlwadeennada caafimaadka iyo wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Machakos Justus Kasivu uunan miro-dhal noqon.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ee gobolka Bariga waddanka Dr. Charles Okumu ayaa sheegay in ay shaqo joojin ku guda jiraan in ka badan 56 cishe.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda hoose ee ismaamulka Machakos aynan muujin rabitaan ku aaddan in si degdeg ah loo xalliyo tabashooyinka dhakhatiirta.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah dallacsiin iyo wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Shacabka Machakos ayaan haysan adeegyada caafimaadka ee laga bixiyo xarumaha dowliga ah.
Sarkaalka sare ee waaxda caafimaadka ee Machakos Lawrence Ngovi ayaa dhakhaatiirta ugu baaqay in ay shaqo joojinta soo afjaraan oo ay dadweynaha dhibaateysan u adeegaan.