Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Netumbo Nandi-Ndaitwah oo loo doortay xilka madaxtinnimo ee waddanka Namibia.
Waxay noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee dalkaasi hoggaamisa.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in doorashada madaxweynaha Shanaad ee jamhuuriyadda Namibia ay muujinaysa in aynan xaddidaad jirin marka la eego waxyaabaha siyaasad ahaan suurtageli karo.
Waxaa uu dhanka kale xusay in Kenya ay sii xoojinaysa xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeeya waddamada kale ee caalamka.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayuu hoggaamiyaha qaranka ku sheegay xaqiijinta kobac dhaqaale , adkeynta nabadgalyada iyo xasilloonida, sare u qaadidda ganacsiga iyo maalgashiga ka dhexeeya dalalka xudduudaha wadaaga.