Kindiki oo ku baaqay in la kordhiyo maalgelinta barnaamijyada cimillada

0
146

Ku xigeenka madaxweynaha dalka
Prof.Kithure Kindiki ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay kordhiso maalgelinta lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika.
Baaqan ayuu diray xilli uu hooygiisa rasmiga ah ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi uu kula kulmay ku xigeenka hoggaamiyaha Jarmalka ahna wasiirka wasaaradda dhaqaalaha iyo wax ka qabashada cimillada Robert Habeck.
Kindiki ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay xallinta isbeddelka cimillada oo uu ku tilmaamay khatarta ugu wayn ee hadda la wajahaya.
Madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa intaasi ku daray in Kenya si la mid ah dalalka kale ee Afrika ay la daala-dhacaysa saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada,abaaro daba-dheeraada ,caqabadaha dhanka helidda cunnada , biyaha iyo soo saaridda tamarta.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkan ay carqaladeynayaan hadafyada horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Kenya iyo Jarmalka ee dhinacyada beeraha , xoolaha,socdaalka, dalxiiska, adeegyada hawada sare, ganacsiga iyo maalgashiga.
Badeecooyinka ay Kenya u iibgayso Jarmalka waxaa ka mid ah ubaxa iyo qaxwada.
Dhawaan ayay ahayd markii labada dowladood ay wada saxiideen heshiis fududeynaya in kenyaanka ay fursado shaqo ka helaan gudaha Jarmalka.