Falastiiniyiinta oo masaafo dheer u socda in ay cunno helaan

0
346

Shacabka dalka Falastiin ayaa wajahaya cunno yari soo foodsaartay iyadoo duqeymaha culus ee ay militariga Israa’iil ka wadaan Qaza ay socdaan ku dhawaad 14 bilood.
Dadweynaha ayaa masaafo dheer u socda sidii ay ku heli lahaayeen bur mise rootiga.
Subax kasta dad badan ayaa isugu yimaada afaafka hore ee warshadaha kooban ee soo saaro rootiga ee ku yaalla Falastiin si ay u helaan in yar oo cunno ah.
Hatem Kullab oo ka mid ah dadka guriyahooda ka soo barakacay ee ku jira teendhooyinka ku meel gaarka ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku qaadato socod ah ilaa 8 kiilomitir si uu rooti u helo.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Qaza, hay’adaha caalamiga ee samafalka ayaa so joogto ah uga digayay gaajo uu heerkeedu sarreeya oo saameyn karta ilaa 2 milyan oo qof oo ku nool Marinka Qaza.
Qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay bishii hore ayaa looga digay macluul ku soo wajahan waqooyiga Qaza , waxaa sidoo kale gabaabsi ah biyaha iyo daawooyinka.