Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay

0
344

Xisbiyada mucaaradka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa soo gudbiyay mooshin xil ka xayuubin oo ka dhan ah madaxweynaha waddankaasi Yoon Suk-yeol .
Waxay ku eedeynayaan inuu shaaciyay xeer militariga awood aan xaddidnayn siinaya.
Saxaafadda Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warramaysa in 6 xisbi oo ka mid ah mucaaradka ay maanta baarlamaanka horgeeyeen mooshinka.
Mucaaradka ayaa horay ugu hanjabay in ay guda galayaan geeddisocodka xilka looga qaadaya madaxweyne Yoon haddii uunan si degdeg ah xafiiska u banneyn.
Xisbiga Democratic Party oo ugu xubno badan aqalka baarlamaanka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku tilmaamay xeerkaasi in uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka sida ay qortay wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda waddankaasi ee Yonhap News Agency.