Waxaa la kala diray guddigii maamulayay isbitaalka jaamacadda Kenyatta ee (KUTRRH).
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa war saxaafadeed ku sheegay in ay is casishay guddoomiyihii guddigan Prof. Olive Mugenda.
Waxaa uu intaasi ku daray in amarkii lagu jebiyay guddigii ay haweeneydan hoggaaminaysay uu si degdeg ah u dhaqangalaya waxaana durbaba billowday geeddisocodka lagu soo magacaabaya xubno cusub.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Dr. Debrah Mulongo Barasa ayaa amartay in fasax aan muddo ahaan la cayimin uu u billowdo madaxii fulinta ee isbitaalka (KUTRRH) Axmad Dhaqane waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Dr. Zainab Gura .
Tani ayaa timid ka dib saameyn ka dhalatay shaqo joojin ay sameeyeen dhakhaatiirta isbitaalka jaamacadda Kenyatta ee KUTRRH oo ka cabanaya maamul xumo iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan oo aan wanaagsanayn.