KEMSA oo maro-kaneeco ka qaybinaysa 22 ismaamul

0
167

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) oo ay maalgelinaysa hay’adda Global Fund ayaa 22 ka mid ah ismaamullada waddanka ka qaybinaya maro-kaneeco.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagula tacaalo cudurka duumada.
Maro-kaneecada laga bixinaya ismaamulladan ay duumadu ku badan tahay ayaa gaaraysa 10.9 milyan oo xabbo.
Waxaa dowlad deegaannadan ka mid ah Kisii, Nyamira, Kericho, ,Nandi, Nakuru iyo Baringo sida uu sheegay Dr.John Aduda, oo ah maareeyaha maamulka KEMSA ee dhanka taya-dhowrka.