Militariga Israa’iil oo soo saaray amar kale oo daadgureyn ah

0
109

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa shacabka ku nool qaybo ka mid ah Koonfurta magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin ku amray in ay halkaasi ka guuraan.
Amarkan daadgureynta ah ayaa ku soo aadaya iyadoo dhanka kale ugu yaraan 9 qof lagu dilay weerarro ka dhacay Bartamaha iyo Waqooyiga Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha militari ee Israa’iil ee Qaza waxaa ku nafwaayay in ka badan 44,466 oo Falastiiniyiin ah halka lagu dhaawacay 105,358 kale.