DCI-da oo shacabka uga digtay sabarloogooyinka dhulalka ee faaliska ah

0
123

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ka digay in ay jiraan kooxo tuugo ah oo abaabulan kuwaasoo bartilmaameedsanaya milkiilayaasha dhulalka ee ismaamulka Nairobi.
Shakhsiyaadkan oo adeegsanaya dokumeentiyo been abuur ah ayaa doonaya in ay qaab khiyaano ah ku helaan lacago badan.
Warbixinta DCI waxaa ku cad in burcaddan si aan xilli hore looga shakin ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan milkiilayaasha dhulalka ee la heshiiya maalgashatada.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in tuugadan ay isha ku hayaan dhulalka uu qiimahoodu sarreeyo ee inta badan ku yaallo magaalooyinka waawayn.
Waxay khiyaannada sameeyaan marka uu qofka maalgashatada ah u yimaado milkiilaha dhul bannaan si uu uga ijaaro oo uu mashruuc ganacsi halkaasi uga fuliyo maadaama loo baahan yahay shahaado ama dokumeenti heshiiskan caddeynaya.
DCI ayaa sheegtay in dhawaan qof deggan Pumwani uu lumiyay lacag dhan 553,550 oo shilin ka dib markii uu la macaamilay qof iska dhigay inuu ka shaqeeyo waaxda diiwaangelinta dhulalka ee caasimadda dalka.
Waxaa shacabka loogu baaqay in ay aad u taxaddaraan gaar ahaan marka ay la tacaalayaan howlaha kala iibsiga dhulalka.
Sanadkan 2024-ka kaliya ayaa la soo tabiyay in ka badan 2000 oo ah kiisaska la xiriira dhulalka la dhacay.