In ka badan 47 qof oo lagu dilay Qaza

0
447

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duqeymaha militari ee Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 47 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah labo carruur ah oo lagu dilay aagga al-Mawasi ee Koonfurta Marinka Qaza.
Hal maalin gudaheeda, waxaa weerarrada Israa’iil lagu dhaawacay 108 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , in ka badan 44,429 qof ayaa ku nafwaayay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 105,250 kale.