Weerar ay kooxo hubeysan ka gaysteen gobolka Aleppo ee Waqooyiga dalka Syria ayaa lagu dilay dhowr qof oo isugu jiro saraakiil militari iyo dagaalyahaanno .
Waxaa ugu yaraan 10-kii maalmood ee ugu dambeeyay gobolkaasi ka socday isku dhacyo u dhexeeya ciidamada gaashaandhigga ee Syria iyo fallaagada HTS.
Hay’ad dabagal ku sameysa ilaalinta xuquuqul aadanaha ee dalka Syria oo loo yaqaano (SOHR) ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 100 qof ay ku nafwaayeen isku dhacyada.