Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa bogaadiyay heshiiska xabbad joojinta ah ee ay wada gaareen Israa’iil iyo ururka Xisbullah.
Waxaa uu xusay in xabbad joojinta ay waddada u xaarayso soo celinta xaaladda caadiga ahayd ee Israa’iil iyo Lebanon.
Mudavadi ayaa sheegay in dowladda ay xaqiijinayso badqabka Kenyaanka ku nool waddanka Lebanon, isagoo xusay in howlgallada daadgureynta ay sii soconayaan.
Waxaa uu ugu baaqay madaxda waddamada ku yaalla Bariga Dhexe in ay qaataan waddada wada hadalka oo ay mudnaanta siiyaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Is-afgaradka ay wada gaareen Israa’iil iyo Xisbullah ayaa la filayaa inuu soo afjaro duqeymaha ay Yuhuudda ka gaysanaysa magaalooyinka kala duwan ee waddankaasi.
Heshiiskan ayaa dhigaya in ciidamada militariga ee Israa’iil ay gudaha Lebanon uga baxaan muddo 60 cishe gudaheeda ah.