DHAGEYSO:Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saaray Jubbaland

0
217

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan degdeg ah ayaa go’aan adag ka soo saareen doorashada Axmad Madoobe.
Waxaa garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya la faray inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmad Madoobe.
Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamad Jimcaale oo qaraarka xalay soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay ilaa saddex qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo.
Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baalmarsan yihiin shuruucda dalka.
Sidoo kale waxaa qaraarkan lagu caddeeyey in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Axmad Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.
Qaraarkan ayaa xalay dhaqangalay waxaana u codeeyey dhamaan golaha wasiirrada, halka Ra’iisul Wasaare oo shir guddoominayey kulankan degdegga ah uu saxiixay, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda.