Kenya iyo machadka caalamiga ee IVI oo maanta wada saxiixi doona heshii is afgarad ku saleysan

0
321

Waxaa lagu wadaa in dowladda Kenya ay saxiixdo heshiis is afgarad ku saleysan, si loo xoojiyo iskaashiga hindisayaasha caafimaadka adduunka iyo horumarinta ajendaha daboolista caafimaadka caalamiga ah.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa si rasmi ah maanta u dhaqangelin doonta heshiis u dhexeyo dowladda Kenya iyo machadka caalamiga ee qaabilsan soo saaridda tallaalka lagula tacaalo xanuunnada kala duwan ee (IVI).
Waxaa heshiiskan Kenya u saxiixi doonta wasiiradda caafimaadka ee dalka Dr Deborah Barasa.
Wasaaradda caafimaadka ee waddanka ayaa laga soo xigtay in iskaashiga uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta barnaamijyada tallaalka iyo horumarinta ajendaha barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC).
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii Kenya ay si rasmi ah ugu biirtay machadka caalamiga ee qaabilsan soo saaridda tallaalka lagula tacaalo xanuunnada kala duwan ee (IVI).
Tallaabadaasi ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Kenya ee soo saaridda tallaalka.