Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ayaa markii saddexaad ku guuleystay maanta inuu noqdo madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa tartan doorasho la galay laba musharrax oo kala ahaa Abuukar Cabdi Xasan iyo Faysal Maxamad Mataan, waxaana ka hor doorashada inta aysan billaaban tanaasulay Dr Cabdi Xasan Xajiin.
Axmad Maxamed Islaam oo ahaa musharraxa ugu cadcad doorashada ayaa helay 55 cod, iyadoo Faysal Maxamad Mataan uu helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Intaas ka dib, madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmad Madoobe ayaa Khudbad uu jeediyay markii loo xaqiijiyay inuu ku guuleystay doorashadii.
Waxaa uu u mahadceliyay baarlamaanka Jubbaland ee doortay iyo sidoo kale musharraxiintii la tartamay ee aqbalay natiijada doorashada.
Waxaa uu dhanka kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ciidamo ku soo daadgureysay deegaanka Raaskambooni, iyagoo qorsheynaya inay weerar ku soo qaadaan magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa sheegay in ficilkan uu yahay mid lagu doonayo in ciidamada qalabka sida looga weeciyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu ku adkeystay in ciidamo aan Jubbaland ahayn aysan ka howlgali karin magaalada Kismaayo.
Axmad Madoobe ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo in dagaal laga abuuro Jubbaland.
Waxaa uu uga digay ra’iisul wasaaraha inuu ficiladiisa ku dhaxli karo mustaqbal xumo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inuusan marna oggolaan doonin in dowlado shisheeye ay dhexdhexaadiyaan arrimaha Soomaaliya, isagoo iska fogeeyay dhankiisa inuu xiriir dhow laleeyahay dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Si kastaba ha ahaatee doorashadan maanta ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u diiday doorashada dadban ee maanta ka dhacday Jubbaland, iyadoo sheegtay in Axmad Madoobe uu qayb ka ahaa xubnihii saxiixay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.