Ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy ayaa daweyn lacag la’aan ah u sameeyay dadka ku nool tuulooyinka Mbwajumwali, Mnyabogi iyo Kizingitini oo ka tirsan ismaamulka Lamu.
Waxaa ay sidoo kale geedo ku beereen tuulooyinkaasi ku yaalla dowlad deegaanka Lamu.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy ay isku diyaarinayaan dabbaaldegga sanadguuradii 60-aad tan iyo markii la aas-aasay.
Dadka daryeelka caafimaadkan ka faa’iiday ayaa ka mahadceliyay.