Waxaa dalka dib loogu soo celiyay 63 qof oo Kenyaan ah, kuwaas oo ay dowladda ka soo daadguureysay dalka Lebanon oo ay Israa’iil weerarro ka gaysaneyso.
63-da qof ayaa dhawaan laga soo dejiyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa qorshahan iska kaashaday waaxyaha kala duwan ee dowladda iyo waaxda arrimaha qurba joogta ee Kenya.
Ilaa iyo hadda ku dhawaad 100 qof oo Kenyaan ah ayaa laga soo daadgureeyay dalka Lebanon, ka dib markii kooxdii ugu horreysay oo ka kooban 39 ruux waddanka dib loogu soo celiyay horraantii bishan.
In ka badan 7,000 oo Kenyaan ah ayaa ku go’doonsan dalka Lebanon, iyadoo wali Israa’iil ay weerarro ka gaysaneyso waddankaasi.