Waxaa ay maanta ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee dadaallada lagu ciribtirayo xadgudubyada ku saleysan jinsiga, gaar ahaan haweenka.
Sidoo kale maalintan ee 25-ka bishan Nofeembar ayaa billow u ah ololaha 16-ka maalmood ee dagaalka ka dhanka ah tacaddiga jinsiga ku saleysan ee (GBV).
Waxaa la filayaa in ururka ay ku mideysan yihiin xildhibaannada haweenka ah ee (KEWOPA) ay qaban qaabiyaan munaasabad lagu daahfurayo xuska maalmahan ee sanadkan.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo toddobaadkii hore ee ururka ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha dumarka ee dalka ay la kulmeen madaxweynaha waddanka William Ruto, islamarkaana ay kala hadleen sidii loo soo afjari lahaa kiisaska kordhaya ee dilalka gabdhaha yaryar iyo haweenka.
Dowladda ayaa 100 milyan u qondeysay dadaallada lagu ciribtiraya dilaka haweenka.
Qaar ka mid ah haweenka kenyaanka ayaa warbaahinta la hadlay iyagoona baaq diray.
25-ka bisha Nofeembar ee sanad waliba, ayay hay’adaha u dooda xuquuqda haweenka u xusheen in ay noqoto maalinta caalamiga ah ee dadaallada lagu ciribtirayo tacadiyada ka dhanka ah dumarka.
Xuska sanadkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo warbixinta qaramada midoobay ay shaaca ka qaaday in 51,100 oo haween iyo gabdho ah si ula kac ah loogu dilay caalamka sanadkii 2023-kii.
Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in boqolkiiba 60 dhammaan dilalka haweenka loo gaysto ay fuliyeen xubnaha qoysaska dumarkan mise ay aad isugu dhow yihiin.