Ururrada rayidka ee dalka ayaa dowladda ka dalbaday in ay si daahfuran u soo bandhigto heshiisyadii lala galay shirkadda Adani ee laga leeyahay waddanka India.
Khamiistii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu amray in la baajiyo labo heshiis oo Adani kala dhexeeyay shirkadda xiriirisa korontarada ee KETRACO iyo garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Ururrada bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in is-afgaradyadan aan dadweynaha loo faahfaahin sidaasi awgeedna ay doonayaan in maamulka Kenya Kwanza uu caddeeyo xogaha ku saabsan .
Koox u ololeysa arrimaha dhaqaalaha oo loo yaqaano The Okoa Uchumi Coalition ayaa sheegtay in ay qasab tahay in dadweynaha ay ogaadaan saameynta maaliyadeed ee ay arrintan leedahay.
In kastoo shirkadda KETRACO ay sheegtay in aynan jirin wax saameyn maaliyadeed ah oo ka dhalanaysa go’aankii madaxweynaha haddana waxaa isa soo taraya cadaadiska dowladda lagu saaraya in ay qorshahan si cad ula wadaagto kenyaanka.