KNUT oo rajo wanaagsan ka muujisay wada hadallada kala dhexeeya TSC

0
88

Xoghayaha Guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee (KNUT) Collins Oyuu ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada xaajoodyada la xiriira heshiiska gorgortanka ku saleysan ee CBA ay miro-dhal noqon doonaan.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Rongo ee ismaamulka Migori ayuu Oyuu sheegay in wada hadallada ay si habsami leh u socdaan.
Waxaa uu shaaciyay in ay kulamo dhowr ah la qaateen guddiga adeegga bareyaasha ee TSC.
Xoghayaha ayaa sheegay in ay rajeynayaan in mar dhow la oofiyo dalabaadka macallimiinta.
Waxyaabaha ururka KNUT uu u ololeynaya waxaa ka mid ah in la dallacsiiyo macallimiinta muddo dheer ku shaqeynayay hal heer.
Collins Oyuu ayaa xusay in TSC ay ku wargelisay in ay heshay lacag dhan 1.1 bilyan oo shilin oo loogu talagalay dallacsiinta bareyaasha.