Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in la daboolo dulduleellada nidaamka maalgelinta tacliinta sare ee waddanka.
Ka dib markii uu la kulmay guddi dib u eegis ku sameynaya hannaankan ayuu wasiir Ogamba qiray in barnaamijkan la soo saaray sanadkii hore dhaqangelintiisa lagala kulmay caqabado.
Waxaa uu cadeeyay in aan la helin natiijooyinkii laga rajeynayay nidaamkan.
Wasiirka ayaa sheegay inuu ogyahay in ay jiraan arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo oo la xalliyo.
Waxaa uu mar kale sii adkeeyay amarkii dowladda ee ahaa in dhammaan ardayda ku biiraya jaamacadaha la qaabilo iyadoo dhanka kale lala tacaalaya tabashooyinka maalgelineed ee jira.