Arday ku dhintay shil ka dhacay waddada wayn ee Southern Bypass

0
267

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada arday 12 sano jir ahaa halka 27 kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay waddada wayn ee Southern Bypass ee aagga deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa halkaasi shil ku galay bas ay leedahay shirkadda Countylink .
Booliiska ayaa laga soo xigtay in baabuurka uu ka yimid dhanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu.
Hasa ahaate, shilka ayaa dhacay abaare 4-tii galabnimo ee shalay ka dib markii uu darawalka baabuurka xakameyn waayay.
Laamaha ammanka ayaa xusay in dhacdadaasi lagu soo wargeliyay 10-kii habeennimo ee xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardayga geeriyooday ay markii hore soo gaareen dhaawacyo dhowr ah oo la geeyay isbitaalka Mater Hospital oo uu ku dhintay isagoo la daaweynaya.
Booliiska ayaa xusay in 6 qof ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus halka 21 kale ay yihiin dhaawacyo fudud.
Dadka shilkaasi ku dhaawacmay ayaa lagu daaweynaya isbitaallada sida Nairobi West, Nairobi South, iyo Aga Khan sida ku cad warbixinta booliiska.