Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Warfaa oo la hadlay saxaafadda ayaa faah-faahin ka bixiyay doonyo siday in ka badan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku qalibmay waddanka Madagascar
Safiir Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa labo ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in ka badan 28 Soomaali ah, halka 48 kalena ay ku dhaawacmeyn,kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kalluumeysato u dhashay waddankaasi.
Dowladda Federalka Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Madagascar ayaa ku dadaalaysa sidii dib logu soo celini lahaa intii ka badbaadey musiibadaas.
Sidoo kale Safiirka ayaa hoosta ka xariiqey in si dhow loola socon doono kuwa dhawaca ah ee ay hadda xaaladooda caafimaad la taacalaysa dowladda Madagascar.
Ugu dambayn safiirka ayaa tacsi u direy asxaabtii iyo qaraabadii ay ka geeriyooden dadkaasi Soomaaliyed isagoo sheegay in safaaradda ay waddo dadaalo lagu ogaanayo dadkan meesha laga kaxeeyay iyo meesha ay ku wajahnaayeen.