DHAGEYSO:Senatarka Kericho oo ku baaqay in la sii wado caymiska SHA

0
195

Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa madaxweynaha qaranka William Ruto ka codsaday in uunan ka laba-labeyn hirgelinta caymiska caafimaadka bulshada ee lagu beddelay nidaamkii hore ee NHIF.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in ay hannaankan isku diiwaangeliyaan si ay daryeel caafimaad ugu helaan qiimo ay awoodaan.
Senatarka ayaa xusay in isbeddelkan uu meesha ka saaray musuqmaasuq uu tilmaamay inuu horay u saameeyay nidaamkii caymiska ee laga gudbay.