DHAGEYSO:Xafiiska diiwaangelinta dhalashada oo laga furay Tiaty

0
177

Waaxda socdaalka iyo adeegyada rayidka ee dalka ayaa deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo ka hirgelisay xafiis lagu diiwaangelinaya dhalashada oo laga bixinaya dokumeentigan muhiimka ah.
Shacabka halkaasi ku nool ayaa horay adeeggan u raadsan jiray meel masaafo ahaan u jirta 230 kiilomitir.
Xoghayaha waaxda adeegyada jinsiyadda ee dalka Dr. Julius Bitok ayaa sheegay in xafiiskan cusub uu shacabka u fududeyn doono helidda shahaadada dhalashada.
Waxaa uu dadweynaha kula taliyay in ay ka faa’iidaystaan adeeggan cusub ee loo dhaweeyay.