DHAGEYSO:Wetangula oo sheegay in maamulka dowladeed ee loo dhan yahay uu xallinaya caqabadaha jira

0
220

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa shacabka ku nool gobolka Nyanza ku boorriyay in ay garab siiyaan maamulka dowladeed ee madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu sheegay in maadaama hadda golaha wasiirrada ay xubno ka yihiin shakhsiyaad horay uga tirsanaa garabka mucaaradka ee waddanka , in tani ay xallin doonto caqabadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee jira.
Wetang’ula ayaa ismaamulka Siaya ka sheegay in go’aankii lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta uu qaranka u horseeday xasillooni siyaasadeed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si wayn loogu baahan yahay in lagu dadaalo nabadgalyada iyo midnimada oo fure u ah horumarka.

Moses Wetang’ula ayaa dhanka kale taageerayaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja kula taliyay in ay garab siiyaan qorshaha ay dowladdu ugu ololeynaysa Raila Odinga si uu ugu guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii uu Mr. Odinga jagadan ula wareegi lahaa.
Guusha Raila ayuu guddoomiyaha baarlamaanka dalka sheegay in aynan noqon doonin mid u soo hooyata keliya Kenya balse gobolka Bariga Afrika iyo si guud qaaradda.