Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay lix qof oo ku eedeysan ka ganacsiga daroogada nooca Xashiishka.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu soo qabtay labo howlgal oo kala duwan.
Howlgalka koowaad ayaa lagu soo qabtay 16.1 kiilogaraam oo xashiish ah.
Tani ayaa timid ka dib howlgal laga sameeyay waddada isku xirta magaalada Moyale iyo ismaamulka Isiolo.
Waxaa howlgalkan lagu soo qabtay 4 qof ku eedeysan gudbinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha Xashiishka.
Dhanka kale, ciidamada booliiska ayaa xaafadda Buruburu ee magaalada Nairobi ku qabtay gaari nooca Toyota Probox oo siday 155 kiilogaraam oo xashiish ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo eedeysane oo gaariga saarnaa ay baxsadeen.
Hasa ahaate, laamaha ammaanka ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhig booliis, iyagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.