Barasaabka Nairobi oo ballan qaaday in dayactir lagu sameyn doono waddooyinka burbursan oo ku yaalla caasimadda

0
312

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa u xaqiijiyay shacabka ku nool caasimadda dalka in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu dayactiro waddooyin dhowr oo burbursan oo ay gadiidka iyo dadweynaha ku dhibaatoodeen.
Xilli uu hor tagay guddiga xisaabaadka, maaliyadda iyo maalgashiga ee aqalka sare, ayuu guddoomiyaha Nairobi sheegay in wadatashi ka dib ay isku afgarteen dowladda dhexe in si wadajir ah loo dayactiro waddooyinka burbursan ee caasimadda.
Barasaabka Nairobi ayaa intaasi ku daray in dhismooyin laga dhisaya qaybaha caasimadda ay burbur u gaysteen waddooyinka ay gadiidka adeegsadaan.
Waxaa uu sheegay in qandaraasleyda wax dhisaya aan la siin doonin shatiga guriyeynta ilaa ay ka dayactirayaan waddooyinka ay waxyeellada ka soo gaartay dhismayaasha ay gacanta ku hayaan.