Waxaa dalka Singapore lagu daldalay qof lagu cadeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.
Xukunkan ayaa ah midkii saddexaad ee la fuliyay hal toddobaad gudihiisa.
Qofka xukunka daldalaadka ah lagu riday ayaa lagu magacaabaa Rosman Cabdullahi oo 55 sano jir ah.
Wakaaladda Singapore u qaabilsan la dagaallanka ka ganacsiga balwadda ayaa maanta sheegtay in shakhsigan uu waddankaasi geliyay 57.43 garaam oo xashiish ah.
Intii ay dacwadda socotay waxaa Rosman Cabdullahi matalayay qareenkiisa.
In kastoo khudburrada qaramada midoobay ay dowladda Singapore ka codsanayeen in aan Rosman la daldalin, haddana baaqaasi ayaan la tixgelin.