Maxkamadda ismaamulka Kirinyaga ayaa damaanad ku siidaysay milkiilaha goob lagu caweeyo oo ku taalla tuulada Kangai ee degmada Mwea.
Milkiilahan ayaa la xiray bishii Labaad ee sanadkan, ka dib markii 17 qof oo goobtiisa khamri ka cabbay ay dhinteen .
John Muriithi Karaya oo ku magacdheer ‘California’ ayay maxkamadda ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan hal milyan oo shilin ama damiin u dhiganta tiradaasi.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoorha maxkamadda Kerugoya Richard Mwongo.
Karaya ayaa wajahaya dacwado la xiriira in uu sababay dhimashada 17 qof iyo inuu iibiyay khamri sharci darro ah oo ku kaydsanaa saldhigga booliiska ee Kiamaciri.
Waxaa lala soo eedeeyay 7 qof oo 4 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil booliis, kuwaas oo bishii afaraad ee sanadkan damaanad lagu siidaayay.
Maxkamadda ayaa kiisakan markale dhageysan doonta 16-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.
Waxaa ay maxkamadda John Muriithi Karaya kula talisay inuu dego meel ka baxsan ismaamulka Kirinyaga.