DHAGEYSO:5 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kirinyaga

0
349

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 ruux halka dhowr kale ay dhaawacyo soo gareen ka dib shil ka dhacay aagga Kibirigwi ee waddada xiriirisa deegaannada Sagana-Karatina ee magaalada Ndia ee ismaamulka Kirinyaga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shanta qof ay isla goobta uu shilka ka dhacay ku geeriyooden.
Taliyaha booliiska ee galbeedka Kirinyaga Moses Koskei ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo siday galley uu koontaroolka lumiyay , isagoona ku dhacay laba baabuur oo gaar loo leeyahay oo ah kuwa raaxada.
Waxaa uu intaasi ku daray inay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo waxa sababay shilka.
Taliyaha ayaa xusay in darawalkii gaariga xamuulka ah uu sidoo kale dhaawac soo gaaray.
Meydadka shanta qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Kerugoya.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilkan ayaa warbaahinta u warramay.