Axmad Isaaq Xasan oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA, ayaa xilli maanta la turxaan bixinayay sheegay in qiimo ahaan ay hantidiisu tahay 100 milyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hantidan ay ka kooban tahay sida guriyo, gawaari iyo ganacsiyo dhowr ah.
Axmad Isaaq Xasan oo mar soo hoggaamiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa tilmaamay inuu diiradda saari doono gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Wuxuu ballan qaaday in haddii magacaabidiisa la ansixiyo uu soo celi doona kalsoonida dadweynaha ee ku aadan adeegga qaran ee booliiska.
Axmad Isaaq ayaa ku celceliyay inuu fahansan yahay sida uu iskugu dheellitiri karo la jaanqaadka shacabka iyo booliiska.